Waa Sidee Tartanka Gool Dhalinta Premier League Kadib Todobaadkii 8-aad Ee Premier League.

Waxa la soo afjaray kulamada 8-aad ee horyaalka premier League iyada oo ay kooxaha premier League ciyaareen kulamo xiiso leh.

Xiddiga Man City ee Haaland ayaa wali sii wada gool dhalintiisii cajiibka ahayd isaga oo dhaliyay gool kulankii ay Man City ka badisay Wolves.

Erling Haaland ayaa dhaliyay goolkiisii 11-aad ee horyaalka premier League isaga oo 5 gool ka horeeya xiddiga ku xiga ee Aleksandar Mitrovic kaas oo dhaliyay 6 gool.

Waxa ku xiga xiddiga Tottenham ee Harry Kane kaas oo dhaliyay 6 gool ilaa haatan horyaalka premier League.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Brentford Ivan Toney kaas oo dhaliyay 5 gool halka uu ku xigo xiddiga Arsenal ee Gabriel Jesus.

Hadaba halkan Hoose Kaga bogo Xiddigaha ugu goolasha badan horyaalka premier League ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Erling Haaland (Man City) 11 gool

Aleksandar Mitrovic (Fulham) 6

Harry Kane (Tottenham) 5

Ivan Toney (Brentford) 5

Gabriel Jesus (Arsenal) 4