Alan Shearer Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib Guushii Brentford.

Halyeeyga Premier League ee Alan Shearer ayaa aaminsan in ay wakhti hore tahay in la sheego in ay Arsenal ku taramayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa ku soo laabatay kaalinta 1-aad ee premier League kadib markii ay garaaceen kooxda Brentford kulan ka tirsanaa todobaadkii 8-aad ee horyaalka premeir League.

Mikel Arteta ayaa taageerayaasha kooxdiisa rajo ka siiyay in ay ku guulaysan karaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Shearer ayaan aaminsanayn in ay Kooxda Arsenal u tartamayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Lama joogo wakhtigii Arsenal loo saadaalin lahaa Premier League sababta oo ah Arsenal wali wakhti iyo shaqo ayaa u dhiman si ay u gaadho heerka Man City”ayuu sii raaciyay.

“Sida aan ognahay waxa jira kooxo aan ku bilaaban heerkii lagu bartay sida Liverpool iyo chelsea sidaas darteed wax ayaa is badali doona”ayuu sii raaciyay.