Waa Maxay Sababta Uu Levi Colwill Ku Seegay Kulanka Aston Villa Ee FA Cup-ka.

Levi Colwill ayaa lagu qasbay inuu ka baxo line-upka Chelsea kulankii FA Cup ee ay la ciyaareen Aston Villa ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray isku diyaarinta, iyadoo da’yarka Alfie Gilchrist loogu yeeray inuu bedelo.

Colwill ayaa loo soo xushay in uu ciyaaro kulanka FA Cup-ka ee wareega 4-aad laakiin intii uu ku jiray tababarka isku diyaarinta kulanka ayuu dhaawacmay.

Xiddiga ayaa la arkay jilibkiisa oo si xoogan loo duubay maqnaanshihiisa ayaana dhirbaaxo ku ah Blues.

Colwill ayaa la filayay inuu ku soo bilowdo daafaca bidix, kaasoo ah boos uu si joogto ah u ciyaaro xilli ciyaareedkan.

Maqnaanshaha Colwill ayaa la macno ah inuu seegi doono kaliya kulankiisii ​​labaad ee xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ciyaaray kulamo badan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga da’yarka ah ayaa ciyaaray 20 kulan oo premier League ah halka uu 6 kulan ciyaaray Carabao cup-ka iyo FA Cup-ka.