WARBIXIN: 5 Tababare Oo Klopp Ka Badali Kara Liverpool

Jurgen Klopp ayaa ka yaabsaday kubbada cagta aduunka kadib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababaranimo ee Liverpool xagaagan.

Reds ayaa ku raaxaysanaysay guulo aad u qurux badan tan iyo markii uu yimid 2015 isaga oo kooxda kula guulaystay koobab.

Waxaan eegi doonaa shan musharax oo hormuud u ah buuxinta booska uu banayn doono klopp:

Xabi Alonso:

Liverpool ayaa Xabo ka dhigtay bartilmaameedkooda 1-aad iyaga oo doonaya in ay xiddigoodii hore u magacaabaan badalka Klopp.

Roberto De Zerbi:

Haddii ay Reds door bidayso musharax khibrad u leh Premier League Tababaraha Brighton ee Roberto De Zerbi ayaa ah mid ay heli karto.

Zinedine Zidane:

Tababaraha reer France ayaa ka mid ah tababarayaasha heerka caalami ee bilaashaqada ah waxana laga yaabaa in ay Reds u dhaqaaqdo si ay ugu badasho Klopp.

Steven Gerrard:

Waa Halyeey kale oo u soo ciyaaray Liverpool waxana horay loola xidhiidhinayay in uu noqon karo badalka mustaqbalka ee Klopp.

Julian Nagelsmann:

Waa tababare oo reer Germany waxaa uu ku caan baxay qaab ciyaareedka Klopp isaga oo ku so guulaystay koobab intii uu hogaaminayay Bayern Munich.