Somaliland oo ugu baaqday waddamada Caalamka in ay xushmeeyaan rabitaankooda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee maamulka Somaliland Rooda Jaamac Cilmi ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay tixgeliyaan kana shaqeeyaan aqoonsiga  Somaliland.

Qoraal ay soo saartay ayey ku sheegtay Rooda Jaamac in maamulka Somaliland uu yahay mid ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale, waxa ayna xustay in Somaliland yahay maamul iskiis u taagan oon kamid aheyn maamulada kale ee Soomaaliya ka jira.

“Jiritaanka Somaliland wuxuu ahaa mid ka duwan oo gaar ka ah maamuladii kale ee Soomaaliya, waxana Somaliland ka hor iyo kadib markii ay madaxbannaanida ka qaadatay Inigiriiska ay ahayd mid jirtay oo iskeed u taagan” ayey tuiri wasiir Rooda.

Waxa ay intaa ku dartay wasiir Rooda ” Waxa kaloo muran madoon ah 33kii sannadood ee u dambeeyay ee Somaliland madax-bannaanideeda la soo noqotay 1991kii. Somaliland waxay madaxbannaanayd waqti ka badan intii ay Soomaaliya kula jirtay midowga. Waxa JSL midowgaas kala kulantay faqooq, kala qaybin iyo dagaal dhaliyay xasuuq ay dawladdii Soomaaliya ku samaysay shacabka Somaliland.”

Rooda Jaamac ayaa sheegtay in dadka Somaliland badankooda ay yihiin dhallinyaro soo kortay intii Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxa ayna xustay in kaliya ay garanayaan calanka hadda astaanta u ah maamulka Somaliland.

” Bulshada Somalilad 75% waxa ay yihiin dhallinyaro da’doodu ka hoosayso 40 jir, taasina ay caddayn u tahay in inta badan jiilka cusubi ay garanayaan uun oo kaliya calanka Somaliland ee akhtarka, cadaanka iyo casaanka iskugu jira, kaasi oo ah calaamad u taagan madaxbannaanida qarannimadooda kaasi oo ku dhisan rabitaankooda” ayey tiri wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Somaliland.

Ugu Dambeyn wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ugu baaqday waddamada caalamka in ay xushmeeyaan rabitaanka Somaliland ee ah in ay noqdaan dal madax-bannaan oo kami ah dalalka kale ee caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –