Qaramada Midoobay ayaa Itoobiya u uruurisay lacag dhan $600 oo milyan oo gargaar ah

Published: April 17, 2024

Shir ay isugu yimaadeen deeq bixiyayaasha oo ay Qaramada Midoobay hogaaminayso ayaa ka dhacay magaalada Geneva shirkaas ayaa lagu ururiyay ku dhawaad ​​$630 milyan oo dollarka Maraykanka ah maalintii shalay ee Salaasada si loo caawiyo malaayiin Itoobiyaan ah oo ay saameeyeen isbeddelka cimilada iyo colaadaha dalkaas ka jira.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Itoobiya waa mid halis ah – laakiin waxaa jirta fursad wax looga qaban karo hadda si looga hortago xaaladda sii xumaaneysa,” ayay lagu yiri war ka soo baxay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA).

Si kastaba ha ahaatee, dhaqaalaha la uruuriyay ayaa hoos uga dhacay $1 bilyan oo si degdeg ah loogu baahnaa, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, si wax looga qabto dhibaatada ka jirta dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika halkaas oo in ka badan 21 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar iyada oo ay jirto cunto yari sii kordhaysa.

Sida laga soo xigtay OCHA, “abaaro soo noq=noqday, fatahaado, iyo colaado ” ayaa gacan ka geystay xaaladda sii xumaanaysa ee Itoobiya.

Deeq-bixiyayaashu waxay sidoo kale ku booriyeen dawladda Itoobiya inay xaqiijiso bixinta gargaarka iyadoo aan la faragelin. Sannadkii hore Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanku waxay joojisay dhammaan cuntadii gargaar ee ay siin jirtay Itoobiya muddo dhawr bilood ah ka dib markii baaritaan gudaha ah lagu ogaaday in la leexsaday gargaarka.

HORSEED MEDIA