Caro ka dhalatay siyaasi Kenyaan ah oo gabar Soomaali ah ku qasbay inay laabta galiso (Sawirro)

Muslimiinta Kenya ayaa ka falceliyay arrin baraha bulshada qabsatay kadib markii uu soo baxay muuqaalka siyaasi Kenyaan ah oo haweeney Muslimad ah ku cadaadinaya inay hab siiso.

Imaamka masjidka Jamia Mosque ee dalka Kenya, Sheekh Jamaaludiin Cismaan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa cambaareeyay falkan wuxuuna sheegay in “ay sumcad-dil ku tahay haweenka, isla markaana aysan marnaba ahayn in lagu qasbo”

Warbaahinta iyo baraha bulshada Kenya ayuu si weyn hadal hayn uga dhaliyay muuqaalka laga duubay mid ka mid ah xildhibaannada Ismaamulka Nairobi Kennedy Ng’ondi oo ku cadaadinaya salaan iyo inuu isku duubo xilli ay xaflad dhalasho xafiiska ka socotay.

Ng’ondi oo ah afhayeenka baarlamaanka ismaamulka Nairobi ayaa la arkayaa isaga oo dhex wareegaya hoolka laabtana galinaya dumar iyo dad kale oo goobta kula sugan.