(Sawirro) Koobka Aduunka: Xulka Kubada cagta Marooko oo afka ciida u daray Spain

Xulka Morocco ayaa markii ugu horeysay u soo baxay wareega 8 dhamaadka ee koobka aduunka, kadib markii ay 3-0 rigoorayaal ah ku garaacday xulka Spain.

Ciyaartoyda reer Spain ee kala ah Pablo Sarabia, Carlos Soler iyo Sergio Busquets ayaa qasaariyay rigooreyaashii loo dhigay, halka Sarabia uu birta ku garaacay.

Kooxaha ayaa ku kala baxay barbaro goolal la’aan 0-0 waqtigii loogu talagalay iyo waqtigii 30ka daqiiqio ee dheeriga ahaa.

Spain ayaa kubad heysashada awood badan ku heysatay, lakiin waxa ay ku guuldareysteen inay abuuraan fursado badan oo cadaan ah oo ay kaga hortagayaan daafaca madax adag ee Morocco

Morocco ayaa noqotay yaabka ugu wayn ee tartankan waxayna marka xigta wajihi doontaa Portugal ama Switzerland oo caawa ciyaaraya midii soo baxda.

Morocco waa kooxda kaliya ee ka baxsan Yurub ama Koonfurta Ameerika ee u soo baxday siddeed dhammaadka. Waa dalka kaliya ee Carab iyo Afrikaan ah ee ku haray tartanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –