Telefishinka Aljazeera oo Maxkamada ICC u gudbiyey dacwad ka dhan ah Israel

Maamulka Telefishinka Aljazeera ayaa maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah ciidamada Israel taasi oo ku aadan dilka wariyahii Aljazeera Shireen Abu Akleh.

Ciidanka Israa’iil ayaa qirtay inay u badan tahay in askartoodu ay toogteen bishii May, balse waxay geerida weriyaha ku tilmaameen mid aan ula-kac ahayn.

Rai’sul wasaare Yair Lapid, ayaa gabi ahan-ba meesha ka saaray in baaritaan dibadda ah arrintan lagu sameeyo, isagoo xusay in dilkaas uu ahaa mid shil ah oo aan ku tala gal aheyn.

Weriyaha ayaa xerada qaxootiga ee Jenin gaartay 11-kii May, xilli ay rasaas isweydaarsanayeen ciidamada Israa’iil iyo maleeshiyaadka Falastiiniyiinta, iyada oo xirneyd agabka xabbadda looga gaashaanto oo midab buluug ah leh oo ay ku qoran tahay ‘Press’ oo ay weriyeyaashu qaataan.

Shireen Abu Akleh oo ay da’deedu 51 jir ahayd oo muddo dheer wararka ka soo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa xilliga la tooganayay si toos ah u tabinaysay iska-hor-imaad ay ciidamada Israa’iil ku lug lahaayeen oo ka dhacay halkaas, waxaana la sheegay in ay rasaas uga dhacday madaxa.

Waa weriye aad looga yaqaanno Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyeyaasha ugu saamaynta badan Laanta Carabiga ee Aljazeera, waxayna halkaas ka shaqaynaysay muddo 15 sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –