Reer galbeedka oo ka hor yimid xukuno Islaami ah oo uu fuliyey Maamulka Taliban

Maamulka Taliban ee dalka Afghanistaan ayaa si kulul uga soo horjeestay qaylodhaan caalami ah oo ku saabsan dhaqan-gelintii ugu horeysay ee xukun dil ah iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, waxayna ku tilmaantay faragelin lid ku ah arrimaha gudaha dalka.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhaleeceyntan ay tahay nasiib darro, faham la’aan iyo cilmi baaris la’aanta Islaamka iyo Afghanistan, waxaana uu sheegay in inka badan 99% dadka Afghanistan ay yihiin Muslimiin.

“Wax badan ayay u hureen sidii shareecada Islaamka dalka looga hirgelin lahaa,” ayuu yiri Mujaahid.

Arbacadii, Taliban ayaa fulisay xukunkii ugu horeeyay ee dil ka dhacay meel fagaare ah tan iyo markii ay la wareegeen awoodda sanadkii hore, iyagoo dilay nin dil lagu xukumay, taas oo dhalisay carada difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee caalamka.

Mareykanka ayaa dilkan ku tilmaamay mid ‘cambaareyn mudan. Xukunka dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay garoon ciyaaraha lagu ciyaaro oo ku yaalaa galbeedka gobolka Farah, halkaasi oo madaxda ugu sarreysa Taliban ay ka mid ahaayeen boqollaal dadweyne ah oo u daawasho tagay.

Mujahid ayaa difaacay xukunka dilka ah ee lagu fuliyo dad shacab ah, wuxuuna sheegay in adduunka oo dhan oo Yurub iyo Mareykanku ay ka mid yihiin uu ka jiro dilka qofkii qof dila.

Taliban ayaa sidoo kale ku karbaashay tobannaan rag iyo dumar ah garoomada kubadda cagta oo dadku ku badan yihiin oo ku yaalla meelo badan, oo ay ku jirto caasimadda Kabul, iyagoo ku eedeeyay inay galeen dambiyo dhinaca anshaxa ah.

– Advertisement –