Hoggaamiye Xi Jinping oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweyey Sacuudiga (Sawirro)

Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray Sacuudi Carabiya si uu uga qeyb galo shirar uu la yeelanayo waddamada saliidda qaniga ku ah Khaliijka Carabta ee muhiimka u ah saadka tamarta dalkiisa iyadoo Beijing ay isku dayeyso inay soo nooleyso dhaqaalaheeda ay waxyeeladu ka soo gaartay tillaabooyinka adag ee coronavirus.

Calamada Sacuudiga iyo Shiinaha ayaa lagu xardhay  magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga, iyadoo Xi uu ku yimid diyaaradda Air China Boeing 747, ay hareeraha kala socdeen diyaarado qiiq cagaaran iyo caddaan ah ku buufiyay cirka kaasoo u taagan midabada calanka Sacuudiga. Qeyb kale oo diyaarado ah ayaa buufiyay midabada casaanka iyo jaalle kuwaasoo tilmamaya calanka Shiinaha, sida lagu sheegay muuqaal uu sii daayay telefishinka dowladda Sacuudiga.

Xi ayaa ka soo gacan haadiyay jaranjarada sare ee uu la socdo diyaaradii uu saarnaa,kadibna waxa uu ka soo degay garoonka diyaaradaha mas’uuliyiinta Sucuudiga, isagoo gacan qaaday guddoomiyaha Riyadh Amiir Faysal Bin Bandar.

Wadamada Khaliijka Carabta ayaa isku dayaya inay dib u habeyn ku sameeyaan siyaasadooda arrimaha dibadda, iyadoo Mareykanka uu u soo jeestay meelo kale oo caalamka ah.

Dagaalka Ruushka ee Ukraine – iyo mawqifka adag ee reer galbeedka ee Moscow – ayaa sidoo kale sababay wadamada Carabta inay xoojiyaan xiriirka Shiinaha.

Inta lagu guda jiro booqashada, Xi ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir madaxeedka ugu horreeya ee Shiinaha iyo Carabta iyo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka, oo ay ku jiraan Boqortooyada Sacuudiga oo ay wehliyaan Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Waa dhacdadii ugu weyneyd uguna heer sareysay ee diblumaasiyadeed ee dhexmarta Shiinaha iyo Carabta tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxayna noqon doontaa mid taariikhi ah iyo bog cusub oo u furmay xiriirka Shiinaha iyo Carabta, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee shiinaha Mao Ning.

Haddii kulanku gaaro meelahaas sare, Xi wuu ogyahay inuu u baahan yahay sahayda saliidda cayriin. Shiinaha, oo ah dalka ugu badan ee soo dhoofsada saliida ceyriinka, ayaa si weyn ugu tiirsan saliidda Sacuudiga, isagoo tobanaan balaayiin dollar siiya boqortooyada sanadkii.

Xi ayaa qorsheynaya inuu la kulmo boqorka Sacuudiga Salmaan oo 86 jir ah, iyo sidoo kale wiilkiisa 37-jirka ah, Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman. Dhanka Amiir Mohammed, martigelinta Xi waxay kor u qaadaysaa sumcadiisa caalamiga ah ka dib markii lala xiriiriyay dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –