Golaha Wakiilada Maraykanka oo meel-mariyay sharciga miisaaniyadda difaaca

Aqalka Golaha Wakiillada ee Maraykanka ayaa meel mariyey sharciga miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka ee sannadka soo socda, kaas oo ku kacaya illaa $858 billion. Miisaaniyaddan la ansixiyey ayaa ka badan $45 bilyan oo dollar, intii ay hore u soo codsadeen xukuumadda madaxweyne Joe Biden.

Sharcigan oo loogu yeero National Defense Authorization Act ama NDAA ayaa ah, sharci ay tahay in sannadkiiba hal mar la ansixiyo, kaas oo hagaya ama gundhig u ah, habka loo maamulayo miisaaniyadda tirada badan eek u baxda difaaca iyo danaha qaranka ee Maraykanka, waxaana maamula wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Sharcigan waxaa ansixiyey 350 mudane halka ay ka soo horjeesteen 80 mudane, waxaana halkaas ka muuqata in ansixinta miisaaniyadda difaacu inay heshay aqlabiyad aad u sarraysa, waxaana haatan loo diray aqalka sare ee Senateka, si uu u ansixiyo, ka dibna madaxweynuhu u saxeexo.

Miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka ee sannadka 2023 ayaa qodobada ku jira ee la kordhiyey waxaa ka mida, in 4.6% kor loo qaaday miisaaniyadda ciidamada, iibsiga hubka, maraakiibta iyo diyaaradaha, iyo sidoo kale taageerada loo fidinayo Taiwan oo haatan waajahaysa gardarro uga imanaysa Shiinaha. Talaabadaas ayaa ku soo aadaysa xilli uu Ruushku duullaan ku qaaday Ukraine.

PUNTLAND POST