Real Madrid Oo Qarka U Saaran Saxiixa Jude Bellingham, Maxaa Cusub?

Kooxda Real Madrid ayaa sare u qaaday baacsiga xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Xiddiga reer England ayaa ku jira Liiska xiddigaha Real madrid doonayso muddo sanad ah iyada oo sidoo kale xiddiga 19 jirka ah lala xidhiidhinayo kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Chelsea.

Waxayna u muuqataa in Los Blancos ay isku diyaarinayso inay dalab ka gudbiso Bellingham dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo si Rasmi ah u bilowday wadahadalada.

Sida laga soo xigtay Marca, Bellingham ayaa lagu heli doonaa xagaaga soo socda lacag dhan 87 milyan oo euro waana lacag ay Real Madrid diyaar u tahay in ay bixiso si ay u hesho xiddiga khadka dhexe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real madrid wadahadalo horumar leh kula jirto kooxda Borussia Dortmund si ay u helaan xiddiga.

Xiddiga Bellingham ayaa ah xiddig ay kooxdu doonayso in ay ku dhisto khadka dhexe iyada oo donaysa in ay xilli ciyaareedka dambe ka garab ciyaarsiiso xiddigaha Aurelien Tchouameni & Eduardo Camavinga.