Israel iyo Xamaas oo qarka u saaran heshiis xabad joojin ah & Mareykanka oo..

Xamaas ayaa lagu soo warramayaa inay Maraykanka ka heshay dammaanad ah heshiiska ay soo jeedisay Israa’iil inuu gudbi doono xabbad joojin joogto ah, sida uu ku warramay wargeyska Israa’iil ee Yediot News.

Saacadihii la soo dhaafay, wadahadallo xooggan ayaa dhexmaray dhexdhexaadiyeyaasha, Xamaas, iyo Israa’iil si loo dhammeeyo faahfaahinta ku saabsan maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii deyn doono haddii uu heshiisku dhaco.

Xamaas ayaa la filayaa inay oggolaato heshiiska saacadaha soo socda, kaaso dhigaya xabbad-joojin 6 toddobaad ah oo Xamaas ay ku sii deynayso 33 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay “in la qaato xabad joojin, in ay tahayi in ay noqoto mid ay aad uga fikiraan” kooxda xamas.

Wada-xaajoodayaasha Xamaas ayaa dib ugu laabtay caasimadda Masar si ay dib ugu billaabaan wada-hadallo muddo dheer socday – oo ay garwadeen ka ahaayeen Masar iyo Qatar – kaas oo si ku-meel-gaar ah u hakinaya duullaanka Israa’iil ee Gaza iyo sidi loosoo deyn lahaa lahaystayaasha.

Warsaxaafadeed ay xalay soo saartay Xamaas ayay ku sheegtay inay doonayso inay “bislayso” heshiiska miiska saaran, kaas oo ay ku jiraan qoddobo ay weli labada dhinac isku khilaafsan yihiin.

Xamaas ayaa ku adkeysaneysa in heshiis kasta uu saameyo go’aan gaar ah oo ku wajahan soo afjarida dagaalka, laakiin Israel ayaa ka caga jiideysa in ay ogolaato inta kooxdu ay wali kusii xoogantahay Gaza.

Waxaa loo maleynayaa in ereyada laga hadlayo ay ku lug leeyihiin 40-maalmood in la hakiyo dagaalka socdo, halka la haysataasha lasii deynayo iyo tiro maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.

– Advertisement –