Maxaa Igu Watay: Casemiro Oo Durba Ka Shalaynaya Ku Biirista Man United, Sabab.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Casemiro ayaa lagu soo waramayaa inuu ka shalaynayo in uu Ku Biiro Man United suuqii xagaaga.

Ka dib markii uu 18 koob kula guulaystay Real Madrid, Casemiro ayaa la filayay in uu sii joogo xilli ciyaareedkisiii 10-aad Bernabue.

Si kasta ha ahaatee dalab ay Man United ka gudbisay saxiixiisa ayaa badashay go’aanka xiddiga isaga oo doortay in uu ku biiro Man United.

Marka la eego in ay Man United ku dhibaatoonaysay khadka dhexe bilowgii xilli ciyaareedka waxa la filayay in uu Casemiro si toos ah u galo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Si kasta ha ahaatee arinta ayaan sidaas noqon iyada oo xiddiga 60 milyan ku fadhiya uuna wali ku bilaaan kulan Premier League ah ilaa haatan.

Sida laga soo xigtay Todofichajes, Casemiro ayaa haatanba u sheegay dadka u dhaw in uu ka shalaynayo ku biirista Man United.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu diyaar u yahay in uu ku laabto Real Madrid hadii ay suurtagl u noqonto xagaaga soo socda.