Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo La Bar-Bar Dhigay Sanchez Iyo Suarez

Joe Cole ayaa sheegay in uu ‘jecel yahay’ Gabriel Martinelli waxa uuna xiddiga Arsenal bar-bar dhigay xiddigihii hore ee Premier League Alexis Sanchez iyo Luis Suarez.

Martinelli ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay badiyaan 9 ka mid ah 10-kii kulan ee ay ciyaareen tartamada oo dhan.

Xiddiga reer Brazil ayaan kaliya ku bilaaban hal kulan ilaa haatan kulamada Arsenal xilli ciyaareedkan waxana uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii Bodo ee europa league.

Isagoo hadlayay ka hor ciyaarta, xiddigii hore ee England Cole ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay Martinelli, isagoo ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahan heer sare ah lana mid yahay xiddigii hore ee Arsenal Sanchez iyo xiddigii hore ee Liverpool Suarez.

“Kani waa ciyaaryahan heer sare ah,” Cole ayaa u sheegay BT Sport.

“Waan jeclaa isaga ilaa markii aan indhaha saaray”.

‘Aad ayuu mashquul u yahay, waxa uu i xasuusinayaa Alexis Sanchez iyo Luiz Suarez, waa mid aan caadi ahayn oo waliba leh farsamo iyo saamayn”.