Booliska Muqdisho oo War cusub ka soo saaray dilkii loo geystay Taliye Aadan Biid

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa wada baarista dilka sarkaal boolis ah xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Sarkalakan loo magaciisu ahaa Gaashaanle dhexe, Aadan Cumar Axmed (Aden biid) ayey xalay kooxa hubeysani ku dileen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle, Cabdifitaax Aden Xasan ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay wadaan baarista dilka sarkaalkaas, lana soo qabtay dad lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen.

Afahyeenku waxa uu sheegay in dilku uu ka dhacy xaafadda Dalsan ee aagga xarunta shirkadii hore ee Somalifruitoo ku dhow dekeda Muqdisho, masaafo koobana u jirta xarunta akadeemiyada Booliska Jen. Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo)

Afhayeen Gaashaanle Cabdifitaax ayaa sheegay in marka ay baaristu soo dhamaato ay soo bandhigi doonaan wixii natiijo ah ee kasoo baxa.

Dilalka askarta, saraakiisha iyo dadka u shaqeeya dowlada oo mar aad ugu badnaa magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan aad u yaraaday, waxaana Aadan Biid uu noqonayaa sarkaalkii ugu horeeyey ee muddo ku dhow sanad lagu dilo caasimada.

– Advertisement –