Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Bulshada reer Falastiin u Ururisay Lacag Dhan 135-kun oo Doolar

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka gobolka Gabiley ayaa ka qayb-galay kulan taakulo loogu ururinayay walaalaha Qaza.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ka mid ahaa masuuliyiinta tirada yar ee adduunka ee sida badheedhka ah uga hadlay dagaalka lagu qaaday bulshada reer Falastiin, isla markaana Islaamnimadu damaqday.

Wasiirku waxa uu kulan balaadhan la qaatay qaybaha kala duwan ee culimada gobolka Gabiley, waxaanu faray inay iska soo xulaan guddi ka qayb qaadata kaalmada loo ururinayo bulshada reer Falastiin ee dagaalka Israa’il saameeyay.

Gaba-gabadii wasiirku waxa uu sheegay in kulanka taakulaynta walaalaha Qaza, oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah masaajidada dalka ay ku soo ururiyeen 135-kun oo dollar, waxaanu xusay in bulshada Somaliland markasta diyaar u tahay wixii taakuleyn iyo khayr ku jiro.





Previous articleKalfadhigii 84-aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta Furmaya
Next articleBeesha Caalamka oo Baaq ka soo Saartay Doorashooyinka JSL