RASMI: Chelsea Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Armando Broja

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga weerarka ka ciyaara ee Armando Broja kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Blues.

Chelsea ayaa heshiis 6 sano ah ka saxiixatay xiddiga Armando Broja kaas oo ka qayb ah qorshaha tababre Thomas Tuchel xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Armando Broja ayaa amaah uga maqnaa kooxda chelsea waxana uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Southampton xilli ciyaareedkii hore.

Armando Broja ayaa ku soo laabtay chelsea xilli ciyaareedkan waxana ay Blues diiday dalabyo badan oo looga doonayo saxiixa xiddiga intii uu frunaa suuqa xagaaga.

Chelsea ayaa haatan xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiiixatay xiddiga Armando Broja kaas oo ay doonayso in uu ka qayb ahaado kooxda xilli ciyaareedkan.

Armando Broja ayaan wali ku bilaaban wax kulan ah laakiin waxa uu kaydka ka soo kacay kulamadii ay chelsea ciyaartay ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League.