Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee Interpol (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Ahmed Said Mohamed oo uu wehliyo Lataliyaha Sare Mudane Mahad Abdi ayaa magaalada Lyon ee dalka Faransiiska uga qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Interpol.

Shirkan oo ah kii 19aad oo ay kasoo qaybgaleen 196 dowladood oo xubin ka ah Interpol ayaa sanadkaan waxaa looga wadahadlay arrimo quseeya ka hortagga danbiyada socdaalka iyo xog isweydaarsiga.

Agaasimaha Guud ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madaxda sare ee Interpol isaga oo kala hadlay kawada shaqaynta arrimaha socdaalka iyo isdhaafsiga xogta iyo wadaaga khibradaha.

– Advertisement –






Previous articleXamaas oo baahisay Muuqaal laga soo duubay labo ka mid ah la heystayaasha Israel