Sagaal arrin oo ay eegeyso maxkamadda ugu sarreysa Kenya si ay u kala saarto Ruto iyo Raila

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ay go’aan ka gaarto murankii ka dhashay natiijada doorashada madaxweynaha ee uu kasoo hor jeestay Raila Odinga.

William Ruto oo ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in uu ku guuleystay xilka madaxweynaha ayaa ka mid ah dadka sida weyn u sugaya go’aanka, maadaama uu kala xaqiiqsanayo in xilka loo dhaarin doono iyo in howsha doorashada dib loogu laaban doono.

Tan iyo horaantii Isbuucan waxay maxkamaddu dhageysaneysay doodaha iyo jawaabaha ay bixinayeen qareennada isku haya dacwadda oo kal kala socda Raila Odinga, William Ruto iyo Guddiga doorashada.

Ka hor inta aysan garsooreyaashu go’aankooda soo saarin waxay eegayaan sagaal arrimood oo ay ku xaqiijinayaan hannaankii loo maray doorashada.

Sagaalka qodob ee la hubinayo waxay ku cad yihiin shaxda hoose.

Qareennada Raila Odinga ayaa intii ay dacwadda maxkamadda socotay ku dooday in khaladaad lagu sameeyay doorashada, nidaamkii saxda ahaana aan loo marin.

Balse sharci yaqaannada difaacaya Guddiga Doorashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadaas.

Sidoo kale waxaa dagaalka maxkamadda qeyb ka ahaa qareennada ka socday dhinaca Madaxweynaha la doortay, William Ruto, oo dhankooda beeninayay eedeymaha ka imaanayay dhinaca hoggaamiyaha mucaaradka.

Madaxa Caddaaladda ee Kenya, Martha Koome, oo hoggaamineysa garsooreyaasha 7-da xubnood ka kooban ee maxamadda ugu sarreysa, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gabogabeysay dhageysiga dacwadda.

Xukunka kiiska ayaa laga filayaa in ay soo saaraan garsooreyaasha, waxaana laga yaabaa in ay soo saaraan maalinta Isniinta ah.

Hase yeeshee, ogeysiis soo saari doonaan si ay u xaqiijiyaan waqtiga ay xukunka ku dhawaaqayaan.

Intii uu socday dhageysiga maanta oo Jimce ah ka dhacay xarunta makxmaadda, qareennada siyaasiga dacwadda gudbiyay ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada inay ku gacan seyreen amarkii ay maxkamadda ku siisay inay u fasaxaan furitaanka qalabka codadka.

Qareennada Odinga ayaa doonaya in garsoorku ay waxba kama jiraan ka dhigaan natiijada, taasoo meesha ka saareysa guushii Ruto.

Muxuu noqon karaa go’aanka?

Dastuurka Kenya ayaa si cad u qeexaya tallaabooyinka ay marayso maxkamadda sare ee gacanta ku haysa kiiska la xiriira muranka doorashada madaxweynaha.

Muddada 14-ka maalmood ah ee ay haystaan garsooreyaasha ayaa ku khasban in ay labo go’aan mid uun soo saaraan. Mid ka mid go’aannadaas wuxuu xaqiijinayaa eedeymaha uu jeediyay Raila Odinga halka midka kalena uu u danaynayo William Ruto.

Labada go’aan ayaa kala ah:

  • In ay garsooreyaashu isku raacaan in habkii loo fuliyay doorashada uu ahaa mid sax ah, caddayn ku filanna u waayaan sheegashada ku saabsan in wax isdabamarin la sameeyay.
  • In ay garsooreyaashu isku raacaan in la musuqmaasuqay doorashada, sidaasna ku xukumaan in ay natiijadu ay tahay waxba kama jiraan.

Haddii ay maxkamaddu caddayso in natiijadii lagu dhawaaqay ay sax ahayd, waxaa toddobo maalmood gudahood lagu dhaarinayaa madaxweynaha la doortay, William Ruto.

Balse haddii ay waxba kama jiraan ku tilmaamaan natiijadii guddiga doorashada, waxaa meesha ka baxaysa sharcinimada madaxweynaha la doortay, waxayna maxkamaddu amar ku bixinaysaa in doorasho cusub lagu qabto muddo 60 maalmood ah gudahood.

Go’aan kasta oo kasoo baxa Maxkamadda ugu sarraysa waa in uu noqdo mid ay isku raacsan yihiin ugu yaraan afar ka mid ah xaakinnada.

Balse taas waxaa fududaynaya in tiradooda guud ay tahay toddobo garsoore, mar kastana ay ku kala tiro dheeraanayaan dhinac walba oo loo jeesto.

Xigasho BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –