Madaxda Soomaaliya oo dalab xasaasi ah hor dhigay dowlada Tanzania

Wafdiga Dawladda Soomaaliya ee ku sugan dalka Tansaaniya ayaa lagu wadaa in madaxda wadankaasi ay la galaan heshiisyo ay kamid yihiin sidii maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada Tansaaniya loogu wareejin lahaa Soomaaliya, iyo heshiisyo kale oo khuseeya warfaafinta iyo dalxiiska.

Wafdiga Dawladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku sugan magaalada caasimadda ah ee Daaru-salaam, waxaana halkaas uga bilawday booqosho rasmi ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo si kooban uga hadlay safarka ay ku joogaan Daaru-salaam, ayaa sheegay in dhawr heshiis ay la gali doonaan Dawladda Tansaaniya.

‘’Waxa ku suga jirnaa booqasho rasmi ah oo labada dawladdood ay ku kala saxiixanayaan heshiisyo sedex ah oo xukuumadda federaalka Soomaaliya khamiistii la soo dhaafay la marsiiyay, heshiisyadaas waxa kamid ah: heshiis dhanka warfaafinta ah, heshiis kale oo arimaha caddaaladda ku saabsan oo maxaabiista halkan ku xiran is waydaarsigooda,iyo heshiis guud oo wasaaradda arimaha dibadda ay saxiixayso,’’ ayuu yiri danjire Axmed Macalin Fiqi.

– Advertisement –






Previous articleIsrael oo ogolaatay inta badan shuruudihii Xamaas ku xirtay xabad joojinta Gaza