Maamul goboleed qaadacay Shirka Wadatashiga uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqad uu u diray madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ku casuumay in ay kasoo qeyb galaan shir wadatashi ah oo dhacaya 20-ka bishan ilaa 21-ka bisha.

Warqada casuumada madaxda loo diray waxaa kamid ah Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo horey u shaaciyay in maamulkiisa kalsoonida kala laabtay dowladad uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkooda uusan ka qeyb galeyn shirka Madaxweyne Xasan Iclaamiyay, waxa uuna xusay in Puntland wali ku dhegan tahay go’aankeedi hore.

Waxa uu sheegay wasiirka in aysan jirin Puntland shir ay ka qeyb galeyso, waxa uuna intaa ku daray in yasan hadda jirin dowlad rasmi ah ay aqoonsan yihiin, isagoona ku eedeeyay Madaxweyne Xasan in uu meesha ka saaray dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

“Dowladdii hore ee dalka, haddii uu dastuurkeedii meesha ka baxay, muddo xileedkeediina wuu ka baxay , mana aaminsanin inay dowlad jirto, Puntland kama qeyb galeyso shirka Xasan Sheekh ku baaqay” ayuu yiri Wasiie Maxamuud Ceydiid.

Hadalkan kasoo baxay maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay shir wadatashi ah, Puntland ayaana qeyb ka aheyn shirar hore oo dhax maray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo go’aanno laga soo saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –