Paul Scholes Oo Erik Ten Hag U Sheegay Laba Xiddig Oo Ay Tahay In Uu Kaydka Dhigo Kulanka Everton.

Paul Scholes ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo ay tahay inuu ku soo bilaabo Man United kana garab ciyaaro xiddigaha Marcus Rashford iyo Anthony Martial kulanka Manchester United ee Premier League ee ay Axada la ciyaarayaan Everton.

Ronaldo ayaa ciyaaray 90 daqiiqo kulankii ay Man United ay dhaaftay Omonia Nicosia kagana badiyeen 3/2 kulan ka tirsanaa tartanka Europa League.

Scholes ayaana aaminsan in Ronaldo, Martial iyo Rashford ay tahay inay noqdaan seddexda weeraryahan ee United kulanka Everton isaga oo sheegay in kaydka la dhigo xiddiga Jadon Sancho kaas oo ku dhibaatooday kulankii Europa league.

Markii la weydiiyay in uu Ronaldo hogaamiyo 3-da xiddig ee weerarka Scholes ayaa yidhi”Haa wa in uu Erik Ten Hag Ronaldo ku bilaabo weerarka”.

“Rashford & Martial waxa ay sameeyeen is badal weyn markii ay soo galeen sidoo kale Cristiano si fiican ayuu u ciyaaray”.

“ma jiraan kulamo badan oo uu Ronaldo ciyaari karo laakiin waxa u malaynayaa in uu ciyaari karo Everton”ayuu sii raaciyay.

“Aniga ahaan waa in uu Erik Ten Hag kaydka dhigo xiddigaha Jadon Sancho & Antony kulanka Everton sababta oo ah waxa ay fashilmeen labadii kulan ee ugu dambeeyay”.