Qaramada Midoobay oo ku baaqday in hal bilyan oo Dollar lagu cawiyo Soomaaliya

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in ay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed.

Martin Griffiths oo la hadlay shabakadda Al-jaseera ayaa codsaday in loo baahan yahay kaalmo lacag hal bilyan oo  doolar ah oo bilaha soo socda lagu taakuleeyo dadka ku barakacay abaaraha ee gudaha Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan hal milyan oo qof ay khasab ku noqotay in ay ka baxaan guryahooda iyagoo raadinaya cunto iyo gargaar tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in hey’adaha sama-falka ay dowladda Soomaaliya gacan ku siiyaan dadaalka ay ugu jiraan wax uqabashada dadka ku barakacay abaaraha ee ka jira gobolada dalka.

PUNTLAND POST