Saraakiil ka tirsan Danab oo shaqada laga joojiyey ka dib fadeexad soo shaac baxday

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo warbixin ka soo saartay taageerada dowladda Maraykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-shabaab iyo bixinta taageerada muhiimka ah ee bini’aadantinimada iyo horumarinta.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku lug  yeeshay nusuq lagula kacay saadka ciidanka Danab gaar ahaan raashiinka ka dib baaritaano la sameeyey.

Saadka Ciidanka kumandoska Danab iyo mushaharkaba waxaa bixiya dowlada Mareykanka, waxaana War saxaafadeedka lagu sheegay in natiijada baaritaanka lala wadaagay saraakiisha Mareykanka ee tababarada siiya ciidankaas.

HOOS KA AKHRISO QORAAALKA WASAARADA

– Advertisement –