Miyuu Authur Ciyaarayaa Kulanka Everton , Tababare Klopp Ayaa Ka Jawaabay

Tababaraha Liverpool ee Klopp ayaa ka hadlay suura galnimada ah in saxiixiisa cusyb ee Arthur Melo la lug heli karo kulanka beri ee Everton

Liverpool ayaa beri marti ku ah kulan ka tirsan wareegga 6-aad ee horyaalka Ingiriiska

” Aad ayaan ugu faraxsanahay hishiiska Arthur , waxa aan ogahay waxa ay tahay in uusan beri ciyaareyn  balse kulanka Napoli ee Champion-ka waa diyaar” ayuu Klopp ku yiri kulan wareed uu qabtay

” Waxaan aaminsanahay in Arthur Melo uu kooxda wax badan ku soo kordhin doono , aad yuu ugu fiican yahay in kubadda uu ku baaso goobaha cariiriga ah, anna taasi waan jeclahay”

Arthur Melo ayaa amaah kaga soo tagay Juve , waxa uuna Liverpool la joogayaa hal xilli ciyaareed iyadoo ay jirto doorasho ah ay iibsan karaan