Wadaad ka tirsan Taliban & 20 kale oo ku dhintay qarax ka dhacay Masjidka Herat (Sawirro)

Qarax ayaa maanta xiligii salaada Jimcaha ka dhacay masjid ay dad badan ku sugnaayeen oo ku yaalla galbeedka Afghanistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 18 qof oo ay ku jiraan wadaad caan ah oo ku dhow Taliban ugu yaraan 21 kale ayaa ku dhaawacmay.

Qaraxa ka dhacay magaalada Herat ayaa qabsaday barxadda Masjidka Guzargah oo ay buux dhaafiyeen meydad, dhulka oo dhiig uu ka daatay, muuqaal goobta laga soo qaaday ayaa muujinayay. iyadoo la arkayey rag ku qaylinayey, “Ilaah baa weyn,” naxdin darteed.

Qaraxa ayaa dhacay salaadii duhurnimo ee jimcaha, iyadoo masaajida ay buux dhaafiyeen dad badan oo ku cibaadeysanayay.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Mujib-ul Rahman Ansari, oo ahaa wadaad caan ah oo guud ahaan Afgaanistaan ​​ku caan baxay dhaleeceynta dowladaha reer galbeedka ee dalkaas taageera labaatankii sano ee la soo dhaafay. Ansari ayaa loo arkayay in uu aad ugu dhow yahay kooxda Talibanka oo sanad ka hor la wareegay gacan ku heynta Afgaanistaan, iyadoo ciidamada shisheeye ay isaga baxeen.

Geeridiisa waxaa xaqiijiyay madaxa afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, Ansari waxa uu kula kulmayay qeyb kale oo magaalada ka mid ah ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Taliban, Mullah Abdul Ghani Baradar, oo booqasho ku joogay Herat. Waxa uu ka soo tagay kulanka si uu masaajidka uga gaaro salaaddii jimcaha, sidaas waxa bartiisa twitterka ku sheegay kaaliyaha Baradar oo u baroor diiqayay sheekha.

– Advertisement –