Al Shabaab oo dib ula wareegtay Deegaanno jab xooggan horey loogu gaarsiiyay

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay dib ula wareegtay deegaanno bilooyin kahor laga saaray oo kuyaalla duleedka degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa dib ula wareegtay deegaannada Cali Fooldheere iyo Ciidciidka oo dhaca duleedka degmada Mahaday, halkaas bilooyin kahor looga saaray weerar dhiig badan ku daatay oo cir iyo dhul ahaa.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa deegaannada Cali Fooldheere iyo Ciidciidka ayaa halkaasi isaga soo baxay , waxaana saakay lagu arkay deegaannadaasi xubno katirsan Al Shabaab oo kasoo tallaabay wabigga.

Dagaalyahannada kooxda Al Shabaab ee soo gaaray deegaannada dhaca duleedka degmada Mahaday ayaa halkaasi kawada abaabul, waxa ayna kooxda Al Shabaab halkaasi ka sameesteen fariisimo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lasoo sheegayaa in dhankooda bilaabeen abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee la wareegtay deegaannada cusub, waxa ayna ciidamada usku diyaarinayaa in ay dib ula wareegaan deegaannadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleWasiirka Gaashaandhigga oo laga dalbaday in jawaab kasoo bixiyo Musuqmaasuq dhacay