Imisa Ayay Garoomada Ka Maqnaanayaan Elneny Iyo Partey , Arteta Ayaa Xog Bixiyay

Tababaraha Arsenal ee Arteta ayaa daboolka ka qaaday mudada xiddigiisa Mohamed Elneny uu garoomada ka maqnaanayo .

Laacbkaas reer Masar ayaa ku dhaawacmay kulankii Fulham xilligaas oo laga helaay jilibka ah waxa uuna ka dib seegay kulankii Aston Villla ee ay kooxdiisa ku badisay 2/1

Inkastoo horay loo tilmaamay in dhaawacaas uusan aheyn mid culus hadana Arteta waxa uu ku adkeystay in laacibka uu maqnaanayo bilooyin

Kulan wareedka ka horeeya ciyaarta Man United ayuu Arteta ka yiri ” Elneny bilooyin ayuu maqnaanayaa balse Partey waa todobaadyo ama ka yar”

Arsenal ayaa axada waxa ay United marti ugu tahay kulan ka tirsan wareegga 6-aad ee horyaalka Ingiriiska
Arsenal ayaa  soo wada badisay 5-ta kulan ee ay ilaa ay haatan ka ciyaareen horyaalka Ingiriiska