Puntland oo laga daah-furay olole wajiga kowaad lagu daawaynayo 750,000 oo neef

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa maanta magaalada Gaowe ka daah-furay ololaha taageeridda daaweynta xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono wajiga kowaad 750,000 oo neef, isla markaana kamid ah xoolaha ku dhaqan gobolada Puntland.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf (Buux), Wasiirka Caafimaadka Siciiid Qorsheel, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac, dhaqaatiir xoolaha qaabilsan iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweyne ku-xageenka dowladda Puntland ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu maanta ambabixiyo dhaqaatiir soo daaweyndoona qaar kamid ah xoolaha Puntland, isagoo xusay in xooluhu yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteena loo baahan yahay in laga warqabo xoolaha Caafimaadkoda.

Ugu danbayn, ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa neefkii ugu horeeyay tallaalka siiyay, dhaqaatiirtana wuxuu kula dar-daarmay inay xil iska saaaran howsha loo igmaday.

PUNTLAND POST