Maxay PDRC u wiiqdaa isku duubnida dadka Puntland?

Hay’adda horumarinta cilmi baarista (PDRC), oo la asaasay 1999kii, waxay soo saartay qoraallo badan oo ku saabsan nabadeynta iyo dowlad dhisidda. Mid ka mid ah qoraalladeeda ay la’soo saartay Interpeace wuxuu kaga duwan yahay qoraalladii hore ka run sheegis la’aanta beellaha ku nool Puntland. Shax ay PDRC ku soo saartay warbixinta ay Interpeace la qortay waxaa lagu duudsiyay deegaan ahaan iyo dhalasha ahaanba beelo tiro ahaan iyo deegaan ahaanba saameyn muuqata iyo mid toganba ku leh beela badan oo dega Puntland.

Shaxdu waxa ay ku salaysan tahay mid dhalasho iyo mid joqoraafi, PDRC ma qarin karto jiritaanka beelaha in bar-kuma-taal laga dhigo ama la isku dayo laakiin PDRC waxay abuurtay dareen talo maroorsi ah oo beelaha qaar ku abuuray inay iyagu yihiin kuwa dunidu u taqaan milkiilayaasha Puntland.

Saameynta xogta marin-habaabinta ay PDRC fidisay waxay iskugu jirtaa maamul darro baahsan, kala irdhoobid iyo isla xisaabtan la’aan. Waa dhab in Puntland ku salaysan tahay heshiis beelo dhexmaray laakiin ma aha heshiis dad gaar ah siinaya awood siyaasadeed ay ku duudsiiyaan beelaha kale xaqooda siyaasadeed iyo hormarineed.

Maxay ilaa hadda PDRC u sixi la’dahay xogta aan saxnayn oo ay ku soo gudbisay shaxda beelaha Puntland qaarkood ay ka maqan yihiin joqoraafi ahaan iyo dhalasha ahaanba? Waxaa la filayay in PDRC oo ah hay’ad Puntland ka jirta, ka warhaysa sooyaalka maamulladii kala duwanaa, ay sixi kartay gefka haddii xogta beelaha Puntland ay ka timid dhanka hay’adda Interpeace.

La yaab ma aha haddii hab siyaasadeedka Puntland loo qaato mid PDRC ay wax ka maleegtay si saamiley gaar ahi ugu adeegtaan talada siyaasadda Puntland. PDRC waa hay’ad shaqadeedu tahay samaynta cilmibaaris run ka hadal ah iyo kobcinta nabadda burburkii dowladnimada Soomaaliya 1991kii. PDRC ma antaraboolaji (anthropology) ayay ka dooratay samaynta cilmibaaris dhiirrigelinaysa dowlad wanaagga Puntland? Waa in PDRC turxaanbixiso warbixinta ka beensheegtay qabdhismeedka deegaan ama dhalasho ee beelaha ku nool Puntland.

PDRC oo hada qayb ka ah geedi socodka dimoqraadiyadda Puntland waxaa kor hoganaya qaab shaqeedkeeda qorma dhigaaladii ay ka ahayd qaybta ee lagu dafiray qayba ka mida bulshadda.

W.Q. Siyaad Cali Jaamac