Shiinaha oo Balloon basaas ah dulmariyey Mareykanka & xiisad ka dhalatay (Sawirro)

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in Balloon ama Buufin Basaase ah oo Shiinaha leedahay (Chinese spy balloon) lagu arkay Hawada dalkaasi maalmihii la soo dhaafay.

Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ayaa heegan la geliyey, balse, Hoggaamiyayaasha Milliteriga waxay kula taliyeen Madaxweyne Joe Biden in khatar la filan karo haddii Balloonkaasi hawada lagu toogto.

Madaxweyne Biden waa uu oggolaaday Taladaasi cabsida Amman ee ka dhalan karta Burburka Buufinkaasi.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee dalka Canada ayaa sheegtay inay dabagal dheer ku hayaan Balloonkaasi.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka,  Sareeye Guuto Patrick Ryder  waxa uu u sheegay Suxufiyiinta inuu Balloonkaasi ku duubayo meel ka Fog Hawada ay Diyaaradaha Ganacsiga ku duulaan.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan haatan jirin Cabsi Milliteri ama dadka ku sugan dhulka.

Afhayeen Patrick Ryder waxa uu tilmaamay in la xaqiijiyey in Balloonkaasi markii u dambaysay lagu arkay Hawada Sare ee Billings,  Montana, balse waxa uu ka gaabsaday halka uu Balloonkaasi hadda heehaabayo.

Dowladda Shiinaha waxay sheegtay inay si dhow ula socdaan Hadalka Maraykanka ee Balloonka lagu soo riixayo Shiinaha.

Si kastaba, Dareenka Balloonkaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay Socdaalka qorsheyaan ee uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka,  Anthony Blinken isbuuca dambe ku tegi doono Caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing.

Qalinka: Ustaad Nuradin Ahmed Dini

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –