Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaaray Kampala (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Xassan Shiikh ayaa kaga qeyb-galaya Kambala shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya kaasoo beri oo Khamiis ah ka furmaya halkaas.

Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah oo sidoo kale halkaas ka furmaya.

Madax kala duwan ayaa ku sii qul qulaysa dalka Uganda oo berri uu ka furmi doono shirka urur goboleedka IGAD.

Waxaa sii kordheysa xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Addis la gashay Somaliland heshiis ay ku heleyso dhul xeeb leh oo laga kireeyo halkaas oo laga dhisayo deked toos ugu xiriirsan Itoobiya iyo saldhiga ciidamada badda ee itoobiya ay yeeshaan.

Madaxda Somaliland waxay sheegeen in heshiiskaas ay ku bedelanayaan aqoonsi ay ka heleen Itoobiya oo ay balanqaadeen inay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka dib heshiiskaas is afgaradka ah.

Heshiiskaas oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay in uu xad gudub ku yahay qaranimadeeda ayaa huriyey xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labada dal ee dariskaa ka dib markii Soomaaliya si adag ugu jawabtay ficilkaas oo ay fariimo u dirtay Midowga Afrika, iyo ururu goboleedka IGAD.

Dalalka Maraykanka, UK, Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageersan yihiin midnimada iyo madaxbananida Qaranimada Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

– Advertisement –