Xassan Shiikh oo saddex arrin uga mahad celiyey Midowga Yurub (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Midowga Yurub.

Xassan Shiikh ayaa kaga mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjireyaasha iyo mas’uuliyiinta kale ee Munaasabadda ka qayb galay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta Soomaaliya ammaan ah, xor ka ah Argagixisada, isku filan isla markaana ay ka qabsoomaan doorashooyin Dimuquraaddi ah.

– Advertisement –