Muxuu Xamse Barre kala hadlay Jaaliyadda Soomaaliyed ee Kenya? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya, isaga oo uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa in ay horumarin ku sameyso dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed oo ka kooban lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumar waara.

Wuxuu si gaar ah ugu dheeraaday qodobbada xasaasiga ah sida xoojinta garsoorka, hufnaanta maamulka, iyo dhammaystirka dib-u-habaynta dastuurka, isagoo xusay in dhammaan hawlahaas ay saldhig u yihiin dastuurka dalka.

Si gaar ah, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu iftiimiyay sida ay uga go’an tahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha dib-u-habaynta siyaasadeed ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay la dagaallanka Khawaarijta iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, iyadoo la siinayo mudnaanta koowaad amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si firfircoon uga shaqeynayso sidii Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd saaxadda caalamka. Wuxuu tilmaamay in ay jiraan horumarro laga gaaray xiriirka dalalka deriska ah iyo kuwa caalamiga ah.

Gabagabadii khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu si qoto dheer uga hadlay kaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay in ay si firfircoon uga qayb qaataan dib-u-dhiska dalka iyo in ay dowladda ku taageeraan dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda. Waxa uu si guud ula dardaarmay Soomaalidu oo uu ku boorinayey in ay dalkooda u istaagaan si ay uga gudbaan caqabadaha waaweyn ee horyaalla.

– Advertisement –