Carlo Ancelotti Oo Ka Digay Kulanka Ee Ay La Ciyaarayaan Real Betis

Tababaraha Real Madrid ee Ancelotti ayaa hoosta ka xariiqay in uu adag yahay kulanka ay la ciyaarayaan Real Betis ee horyaalka

Kulankaas  garoonka Real lagu ciyaarayo ayaa ka tirsan wareegga 4-aad ee horyaalka Spain waxa uuna Ancelloti tilmaamay in kooxdiisa ku qasban yihiin in si cadawtinimo ah u ciyaaraan kulankaas

“Kulan waliba muhiimad ayuu leeyahay waxaana jirta marar xaalka kugu adag yahay balse muhiimada waa in si deg deg ah aad culeysyada uga bixi karto” ayuu kulan wareed ku yiri macalinka Real ee Ancelotti .

“Kulankaas waaa adag yahay marka la eego xaaladda Real Betis balse Real waxaa ka go`an guul si horyaalka u qaadno xilli ciyareedkaan”

Mar la weydiiyay in Real horyaalka ilaalsan karaan waxa uu yiri ” xlli ciyaareed waliba xaalad gooni ah ayuu wataa balse waxaa ina go`an in  koob waliba aynu ku jirno u dagaalanno”.