Golaha Ammaanka oo asnxiiyey qaraar dalabanaya xabbad joojin degdeg ah oo ah Gaza

Published: March 25, 2024

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in “xab-joojin degdeg ah” laga sameeyo Gaza, ka dib markii Maraykanku uu ka gaabsaday in uu diido tallaabadaas oo beddeleysa mowqifkiisii ​​hore.

Qaraarku wuxuu kaloo dalbanayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha.

Golaha Amaanka ayaa ku jiray xaalad kacsan tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Oktoobar 2023, isagoo marar badan ku guuldareystay in lagu heshiiyo baaq xabbad-joojin ah.

Talaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa muujineysa kala duwanaanshiyaha sii kordhaya ee u dhaxeeya isaga iyo xulafadiisa Israel ee ku aadan duulaanka Israel ka wado Qaza.

faah faahin dheeri ahna waa la daabici doonaa goor dhow