Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ansixiyay Qaraarka Xabbad-joojinta Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii u horreysay lix bilood kaddib meel mariyay qaraar ku baaqaya xabbad-joojinta marinka Gaza.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa codeeyay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Qasa inta lagu jiro bisha Ramadaan iyo in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo maxaabiisto.

14 dal oo xubnaha ka ah ayaa u codeeyay. Maraykanku oo saddex mar horey ugu diidday xabbad-joojinta Qasa codka qayaxan, ayaa markaan ka aamusay.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Linda Thomas-Greenfield oo hadashay waxay sheegtay “Wax walba kuma aannu raacsanayn qaraarka,” taasoo ay ku sheegtay in ay tahay sababta uu Maraykanku uga aamusay.

PUNTLAND POST