Trump oo qarka u saaran in hantidiisa gobolka New York lala wareego!

Published: March 25, 2024

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa haysta ugu danbeyn Isniinta maanta ah inuu bixiyo $454m oo ah xukun dacwadeed khiyaano madani ah ama uu wajahayo khatarta ah in gobolka New York uu la wareego qaar ka mid ah hantidiisa.

Xukunkii Febraayo 16, Garsoore Arthur Engoron ayaa ku helay Donald Trump iyo shirkadihiisa ay si weyn u buunbuuniyeen qiimaha hantidiisa ma-guurtada ah si ay u helaan deynmo badan oo aysan xaq u lahayn, arrintaasi oo ah khiyaano.

Lacagta nusmalyuunka ah ayaa loo baahan yahay in la bixiyo ugu danbeyn maanta oo Isniin ah si loo hakiyo fulinta xukunka inta uu Trump racfaan ka qaadanayo xukunka ku dhacay.

Qareenada Donald Trump ayaa sheegay todobaadkii hore in ay ku guuldaraysteen in ay helaan lacagta intaas dhan ee damaanadda ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa loo yaqaan Truth Social maalintii Jimcada, Trump wuxuu sheegay inuu haysto ku dhawaad ​​$500m oo kaash ah oo uu aad u jeclaan lahaa inuu ku bixiyo tartankiisa madaxtinimo halkii uu ku xukumi lahaa khiyaanada.

Haddii Donald Trump uu lacagtaas maanta ku bixin waayo hantida uu ku lee yahay New York waxaa la wareegaya gobolka New York. Arrintan ayaa araxda ka jebin karta Donald Trump oo isu diyaarinaya tartanka mar labaad isaga iyo Joe Biden.