Diaz: Halkan Xiddig Ayay Liverpool Si Weyn U Tabaysaa

Luis Diaz ayaa qirtay in ciyaartoyda Liverpool ay ka xumaadeen markii ay arkeen Sadio Mane oo ku biiray Bayern Munich.

Diaz ayaa Liverpool kaga soo biiray Porto bishii January, wuxuuna noqday xubin muhiim u ah kooxda intii uu hogaaminayay Jurgen Klopp.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa sheegay in ay koox walba u xiisayso hadii uu Xiddig Sadio Mane oo kale ah ka tago kooxda.

“Kooxdu way ka niyad jabtay”ayuu u sheegay TNT Sport.

“Sida iska cad waa xiddig ay koox kasta u xiisi karto”.

“Waxa uu aaday koox weyn, waxaana uu ka shaqeynayaa sidii uu u gaari lahaa, anaguna waxa aan ka shaqaynaynaa kooxdeena, waxa aan si adag ugu shaqaynaynaa sidii aan horumar u samayn lahayn maalin kasta”.