Odayaal kasoo jeeda Beesha Duduble oo hubka u qaatay in ay Difaacaan Al Shabaab (Sawirro)

Odayaal kasoo jeeda beesha Duduble ee degta deegaano katirsan gobolka Galgaduud ayaa hubka u qaatay in ay difaacaan dagaalyahanada Al Shabaab , lana dagaalamaan ciidamada dpwladda iyo kuwa deegaanka ee wehliya.

Kulamo ay odayaashan iyo saraakiil katirsan Al Shabaab ku yeesheen deegaano beeshaasi degto ayey isku raaceen in odayaasha hubka qaataan qeybna ka noqdaan dagaalka Al Shabaab ku difaacaneyso deegaanada ay joogaan.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beesha Duduble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in deeganadooda hadda yihiin kuwa nabdoon, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan ciidamada duullaanka kusoo ah.

Waxa ay sheegeen odayaasha in ay raali ka yihiin la joogista Al Shabaab iyo maamulkooda, waxa ayna fariin hanjabaad ah u direen odayaashan ciidamada isku dayaya in ay duullaan kusoo qaadaan deegaanada ay joogaan.

Al Shabaab oo hadda wajaheysa dagaalo dhinacyo kala duwan uga imaanaya ayaa la sheegay in ay hubeesay odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay ku difaacanayana deegaanada ay hadda ka taliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –