Guddoomiyaha Kismaayo oo joojiyay Qaabilaada Dadweynaha Muddo Isbuuc ah +Sababta

Guddoomiyaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), ayaa muddo isbuuc ah joojiyay in uu qaabilo dadweynaha imaanaya xafiiskiisa.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha Kismaayo ayaa lagu shaaciyay todobo cisho ah uu si kumeel gaar ah u hakiyey qaabilaada dadweynaha, waxaana qoraalka lagu sheegay in uu ku mashquulayo guddoomiyaha tirakoobka khasaarihii ka dhashay dabkii Kismaayo.

Suuqa magaalada Kismaayo gaar ahaan qeybta shidaalka ayaa habeen hore waxaa ka kacay dab xooggan oo dhaliyay khasaaro maaliyadeed, waxaana maamulka Jubbaland u saartay qiimeynta khasaarahaasi guddi uu ku jiro guddoomiyaha magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleTaliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugida Gobolka Hiiraan oo Muqdisho looga yeeray