Da’da Joe Biden oo dood ka dhex dhalisay dadweynaha Maraykanka

Joe Biden ayaa toddobaadkan 80 jir noqday , taas oo ka dhigtay madaxweynihii ugu horreeyay ee Marekanka ee isagoo xafiiska jooga da’daa gaara.

Arrintan ayaa Dadka Mareykanka dood ka dhex dhalisay. Cod bixin la sameeyay qaarkood waxay diiddeen in uu mar kale xilka isku soo sharraxo, kuwa kalana waxay sheegeen 80 jir in ay ku adag tahay Marekanka in uu hoggaamiyo.

Biden ayaa ku dhashay 20-kii November sannadkii 1942 magaalada barwaaqo-sooranka ah ee Scranton oo ka tirsan gobolka Pennsylvania. Waxaa lagu ixtiraamaa muddada dheer ee illaa dhallinyaro-nimadiisa oo uu ku soo dhex jiray nidaamka Dawladnimada Marekanka.

Wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo bilowday magaalada Washington, xilligaas oo uu ku biiray Aqalka sanetka, sanadkii 1973-dii, oo hadda laga joogo 49 sanno, halka ololaha doorashada madaxtinimada uu billaabay sannadkii 1987-dii oo haatan laga joogo illaa 35 sanno.

PUNTLAND POST