Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee dalalka ku bahoobay ururka IORA (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo uu wehlinayo Danjiraha JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir, ayaa ka qeyb galaya shirkii 22-aad ee Golaha Wasiirada ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA) oo ka dhacay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo horumarin lahaa hannaanka mashaariicda waaweyn, ka hortagga burcad-badeedda, dhaca hubeysan, kalluumeysiga aan sharciyeysneyn iyo maareynta musiibooyinka.

Dhanka kale inta uu socday kulanka waxaa shir laba geesood ah yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Wasiir Dowlaha arrimaha dibada iyo waxbarashada ee Hindiya Mudane Dr. Rajkumar Ranjan Singh

Waxaa uu kala hadlay dardar gelinta howlaha dib loogu furayo Safaaradda Hindiya ku yeelan doonto Muqdisho, kordhinta tirada deeqaha waxbarasho, fududeynta habraaca fiisaha caafimaadka, dalxiiska iyo guud ahaan isku xirka iyo fududeynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –