Berbatov: Ku Biirista Benzema Ee Arsenal Macno Ayay Samaynaysaa Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Xiddigii hore ee kooxda Man United Dimitar Berbatov ayaa sheegay in ay tahay in uu Karim Benzema ku biiro kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga January.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa Benzema iyada oo suuqa ka doonaysa weeraryahan cusub xilli ay ku tartamayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

““Waxaan qabaa in Karim Benzema uu noqon doono mid xiiso u leh koox kasta, wuxuu keenaa gool kooxeed iyo khibrad”ayuu yidhi.

“Benzema kuma faraxsana meesha uu joogo oo kaliya wuxuu doonayaa inuu ciyaaro kubada cagta, kuma ciyaaro lacag, waxa uu heystaa dhamaan lacagaha aduunka”.

“Benzema waxa uu doonayaa inuu ka ciyaaro Champions League, waxaana qabaa inuu weli doonayo inuu si joogta ah u ciyaaro, wuxuu aad ula mid yahay Cristiano Ronaldo dhankaas”.

“Waxa uu doonayaa in uu ku guulaysto koobab sidoo kale, u dhaqaaqista Arsenal macno ayay samaynaysaa sababta oo ah waxa uu awood u leeyahay in uu guulaysto champions League. Waxa uu sidoo kale awood u yeelan lahaa in uu si joogto ah u ciyaaro”.