Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya oo kala saxeexday heshiis Gobaladda Waqooyi loogu tababarayo ciidamo booliis ah

Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) – Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis ay Itoobiya Gobaladda Waqooyi ugu tababarayso ciidamo booliis ah oo cusub.
Heshiiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliiska.
“Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir  iyo Hogaamiyaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan tababarrada labada ciidan boolis” ayaa lagu yidhi qoraalka booliiska.
Heshiiskan ayaa daba-socday safar uu dhawaan ku tagay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi,  kaasoo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawladda Federal Ethiopia Komishaneer General Demelashe G/Mechiel, sida uu booliisku baahiyay.
Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa dhawaan kala saxeexday isfaham siyaasadeed iyo dhaqaale, kaasi oo ay Itoobiya ciidamadeeda badda ugu heli doonto saldhig, halka Gobaladda Waqooyi ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya iyo in qayb kamid ah ganacsiga Itoobiya loo soo leexiyo Dekedda Berbera.