Raysal wasaare Xamze oo ku celiyey inay ka go’antahay qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya, isaga oo uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa in ay horumarin ku sameyso dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed oo ka kooban lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumar waara.

Xamze ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay wax ka qabashada dhinacyada amniga, siyaasadda, dhameystirka dastuurka, iyo doorashooyinka.

Si gaar ah, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu iftiimiyay sida ay uga go’an tahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha dib-u-habaynta siyaasadeed ee dalka.

Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay la dagaallanka Alshabaab iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, iyadoo la siinayo mudnaanta koowaad amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.

Raysalwasaare Xamze ayaa ku celceliyey in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda xili ay Puntland diiday wax ka badalka Dastuurka islamarkaana madaxda dawlad goboleedyada raacsan dawladda ay ka biyo diidsan yihiin qodobka doorashada.

PUNTLAND POST.