Taliyaha ciidanka Dhulka oo Baydhabo kula kulmay Saraakiil u dhashay Ingiriiska

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ku sugan taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle, kaa oo howlo shaqo u jooga magaaladaasi.

Generaal Dayax Cabdi uu wehliyo taliyaha qaybta 60-aad Gen Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa maanta magaalada Baydhabo kula kulmay saraakiil katirsan ciidanka Ingiriiska ee jooga magaalada Baydhabo.

Taliyaashan katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sargaalka hoggaamiya ciidanka Ingiriiska oo lagu magacaabo  Lieutenant Colonel Richard , kala hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin kordhinta tababarada iyo taageerada ay ciidanka siiyaan .

Lieutenant  Richard ayaa u sheegay taliyaha ciidanka Dhulka ee Soomaaliya in ay diyaar u yihiin tayeynta iyo kordhinta tababarada ay siiyaan ciidanka xoogga, waxa uuna sheegay in Soomaaliya u yimaadeen sidii ay u caawin lahaayeen ciidanka xoogga dalka.

Magaalaa Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan saraakiil iyo ciidamo u dhashay dalka Ingiriiska, kuwaa oo tababarao joogta ah siiya ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u codsatay soo afjaridda shaqada xafiiska UNSOM