37 qof oo u badan caruur ayaa si foolxun loogu diley dalka Thailand

37 qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay kadib weerar aan hore loo arag noociisa oo qori iyo mindi lagu weeraray xarun dugsi xanaano oo ku taal waqooyi bari ee dalka Thailand taas oo argagax galisay dalkaasi.

Ninka weerarka geystay oo hore uga tirsanaan jiray booliska ayaa rasaas furay xilli ay carruurtu jiifeen xarunta degmada Na Klang ee gobolka Nong Bua Lamphu abaare duhurnimadii maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen booliska iyo goobjoogayaal.

Booliska ayaa sheegay in inta badan caruurtii lagu dilay xaruntaasi loo adeegadey dilkooda toori. Markii uu ka soo baxay xannaanada ayuu ninkii weerarka geystay u kaxaystay gaarigiisii ​​oo uu rasaas ku furay dadkii ka ag dhawaa guriga, kadibna waxa uu ku soo laabtay gurigiisi, halkaas oo uu isku toogtay isagii kadib markii uu dley xaaskiisa iyo canug uu dhalay.

Booliska ayaa ninka weerarka geystay ku sheegay Panya Khamrab, oo 34 jir ah, horena u ahaan jiray Gaashaanle Sare oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, lagana ruqseeyay shaqada sanadkii hore, sababo la xiriira inuu haystay daroogo, waxaana uu horaantii Khamiista ka soo muuqday Maxkamad isagoo lagu eedeeyay kiis la xiriira daroogada.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay qol ka mid ah kuwa xanaanada ee caruurtu huradey Meydka carruurta oo dul saaran sariiro lagu seexdo, oo go’yaal cad la dul dhigay.

Ra’iisul wasaaraha Thailand, Prayuth Chan-ocha, oo la filayo inuu Jimcaha booqdo Nong Bua Lamphu, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska dhibanayaasha. “Waxaan ku amray taliyaha bilayska inuu si degdeg ah u tago aagga, dhammaan hay’adaha la xiriira arrimahan wuxuu amray in ay caawiyaan kuwa weerarku saameeyey” ayuu yiri..

Macalimad la hadashay TV-ga Thai Rath ayaa sheegtay in ay aragtay Panya oo rasaas ku furaya baarkinka baabuurka. Wuxuu soo rartey rasaas badan markaas waxaan u orday xagga dambe oo aan albaabka xirtey, daaqadda ayaanu ka dhacay,” ayay tiri. Carruurta oo da’doodu u dhaxayso laba ilaa afar jir, ayaa wakhtigaas hurday, ayey tiri.

Macallimad kale ayaa u sheegtay channelka in ay taleefoonka ku jirtay markii ay maqashay jug weyn. “Waxaan garan waayey waxa u yahay, dabadeed markii aan daaqadda ka eegay, waxaan arkay dad dhulka yaal. Waxaan arkay isaga oo qoriga cabbaysanaya,” ayay tiri. Macallimad kale oo goobta joogtay ayaa isku dayay inay albaabka xirto, balse ninka ayaa xabad ku dhuftay, ayay tiri, iyadoo raacisay inay darbi gadaashiisa ku carartay si ay gabaad uga dhigto.

Waxay sheegtay in xilligaas ay xarunta ku sugnaayeen 24 carruur ah. Waxaa la sheegay in carruurta meesha joogta ay ka yaraayeen sidii caadiga ahayd, iyadoo ay ugu wacan tahay roobab xooggan oo ku khasbay qaar kamid ah caruurta inay guryahooda joogaan.

Goobjooge kale oo lagu magacabo Paweena Purichan, oo 31 jir ah, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in gudaha laga garanayay in qofka weerarka geystay uu qabay dhibaatooyin la xiriira balwadda.

Saraakiisha ayaa sheegay in natiijada baaritaanka meydkiisa ay go’aamin doonto in uu daroogada qaatay ka hor weerarka. “Ugu horreyntii, waxaan aaminsanahay inay sabab u tahay daroogada iyo walbahaarka uu ku dhex jirey, ayuu yiri taliyaha booliiska,

Hanad Askar
Horseed Media